Home arrow News in Somali

User Videos

    123    
Dagaal Somalia
By: Abbas Gassem
Dagaal Xamar
By: Abbas Gassem
Blood path of Somalia
By: Abbas Gassem
Al Shabab Fighters
By: Abbas Gassem
Luul Jaylani (heeso)
By: Mohamed Abdi

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Login

Syndicate

Get Our News Updates
May 09 2008
Dagaal Xoogan oo Muqdisho Kadhacay

Written by Ali Moallim,

Published in : News in Somali, Siyaasadda | Somaliya


Muqdisho,(insidesomalia.org)- Dagaal sababay in la qabsado saldhigga Booliiska ee Waaberi lana gubo Gaadiid ay lahayeen Ciidamada Dowladda ayaa xalay ka dhacay Degmada Waaberi ee Magaaalda Muqdisho, Dagaalkaas ayaa lagu soo warramayaa in uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba soo gaarey Kooxihii dagaalaka u dhaxeeyey.

Goobjoogayaal u warramaya shabakaddan insidesomalia.org ayaa sheegay in rasaastu ay billaabatay qorrax dhicii shalay, iyadoo socotay muddo ku dhow 1 saac, Waxa goobjoogayaasha noo xaqiijiyeen in Kooxaha kahorjeeda Dowladda ay la wareegeen Saldhigga Waaberi oo ay qaddar daqiiqado ah ku sugnaayeen.

"Waxaan arkay laba askari oo Booliis ah oo dhulka yaalla mid ka mid ah askartaas waxaa lagu magacaabi jiray Muuse Weyne, sidoo kale waxaan arkay maydka dad rayid ah oo aanan garan karin qofka uu ahaa" sidaa waxaa yiri goobjooge codsaday in magaciisa la qariyo oo la hadlay Saxaafadda.

Mas'uuliyiin u kala hadlay Booliiska iyo Maxkamdaha ayuu mid walba goonidiisa u sheegtay guulo in ay kazoo hooyeen Dagaalkan xaley dhacay, waxa ay Booliisku sheegteen in ay dileen saddex qof oo ka tirsan Maxkamadaha, halka saddex kalena ay gacanta ku dhigeen waa sida ay hadalka udhegeene, hase yeeshee waxa warkaas si degdeg ah u beeniyay afhayeen u Hadley Maxkamadaha.

Sarakaalka u hadlay dhinaca Maxkamadaha ayaa isna sheegay in dhankooda uu ka dhintay qof, halka dhinaca kale ay gaarsiiyeen khasaarooyin fara badan, ayna muddo kooban gacanta ku hayeen Saldhigga Waaberi illaa Wada dheere ee Taleex.

Gaadiid ay ku jiraan kuwa dagaalka oo ay leeyihiin Booliiska Dowladda ayaa la gubay, waxa kale oo gaadiidkaas la gubay ka mid ahaa Baabuurta yaryar ee raaxada oo la sheegay in ay goobta iska yaalleen.

Dhinaca kale Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabad sugidda Dowladda ayaa maanta lagu toogtay Xaafadda Afarta Jardiino ee Degmada Yaaqshiid, waxa sida la sheegay ka dambeeyay toogashada sarkaalkaas kooxo ku hubeysnaa Bastoolado.

Marxuumka la dilay ayaa waxa magaciisa lagu soo gaabiyay Qaasim, waxaana xilliga la toogtay uu kasoo baxay Masjid uu kusoo tukaday Salaadda Jimcaha.

Dilka Sarkaalkaan ayaa dad goobjoogayaal ahi waxay sheegeen in kooxdii geysatay ay ka baxsadeen.





Quote this article in website Favoured Print Send to friend Related articles Save this to del.icio.us

Users' Comments  RSS feed comment
 

Average user rating

   (0 vote)

 

No comment posted

Add your comment

Saturday, 10 May 2008
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >